Ururrada sharci ee gobolka oo dalbaday in la joojiyo xarigyada sharci darrada ah iyo carqaladeynta warbaahinta ee Uganda

0
270

Isbahaysi ay ku mideysan yihiin ururro waaweyn oo sharci iyo kuwa bulshada rayidka ah ee Bariga Afrika ayaa ku eedeeyay dowladda Uganda inay wiiqayso ku dhaqanka sharciga, iyagoo sheegay inay sii kordheen xarigyada sharci-darrada ah ee lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka, qareennada iyo u-doodayaasha xuquuqda aadanaha, isla markaana la carqaladeeyay shaqada warbaahinta iyo faragelinta milatariga ee arrimaha rayidka. Isbahaysigan oo ay ka mid yihiin Ururka Qareennada Bariga Afrika, Ururka Qareennada Afrika, Guddiga Caalamiga ah ee Garyaqaannada laantiisa Kenya, Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya iyo Madasha Ururrada Bulshada Rayidka ee Bariga Afrika ayaa sheegay in xaaladdan ay jebinayso dastuurka Uganda iyo waajibaadka dalkaas ee heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Ururradu waxay walaac ka muujiyeen xarigga iyo xaaladda sharci ee aan caddayn ee Dr. Miria Matembe, iyo sidoo kale dhacdooyin la xiriira afduubyo iyo xarigyo lagu bartilmaameedsaday dad kale oo ay ka mid yihiin Dr. Sarah Bireete, Eunice Musiime iyo qareenka sare Erias Lukwago. Waxay sidoo kale cambaareeyeen hakinta howlaha hay’adaha warbaahinta ee Nation Media Group Uganda, oo ay ku jiraan NTV Uganda, Spark TV iyo Daily Monitor, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas aan lagu salayn amar rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Uganda, taasoo muujinaysa in milatarigu uu faragelin ku sameeyay awoodaha hay’adaha rayidka.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in Uganda ay ku waajib tahay inay ixtiraamto heshiisyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaalinaya ku dhaqanka sharciga, xorriyadda saxaafadda, madax-bannaanida garsoorka iyo xuquuqda qareennada iyo u-doodayaasha xuquuqda aadanaha. Waxay ugu baaqeen dowladda Uganda inay shaaciso xaaladda dhammaan dadka la xiray, dib u soo celiso shaqadii warbaahinta la carqaladeeyay, xaqiijiso in hay’adaha rayidka ay sii hayaan awooddooda sharci, joojiso faragelinta sharci-darrada ah ee ciidamada amniga, isla markaana bilowdo baaritaanno madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo eedeymaha la xiriira ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha.