Omollo oo difaacay qorshaha horumarineed ee Kenya Kwanza ay ka fulineyso Nyanza

0
102
Xoghayaha Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, Raymond Omollo

Xoghayaha Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, Raymond Omollo, ayaa difaacay qorshaha horumarineed ee maamulka Kenya Kwanza ka fulinayo gobolka Nyanza, isagoo sheegay in maalgashiga socda uu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay in si cadaalad ah loogu qeybiyo khayraadka dalka, iyadoo aan loo eegin xiriirka siyaasadeed.
Isagoo ka hadlayay barnaamij lagu dhiirragelinayo haweenka oo ka dhacay Degmada Nyando, Omollo ayaa iska fogeeyay sheegashooyinka su’aasha gelinaya maalgashiga kordhay ee dowladda ay ka sameyneyso gobolka, wuxuuna ku adkaystay in Nyanza ay xaq u leedahay fursadaha horumarineed ee la midka ah qayb kasta oo ka mid ah dalka.
Wuxuu sheegay in gobolku uu isbeddel weyn ka dareemayo dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, xakameynta daadadka, mashaariicda biyaha, guryaha la awoodi karo, isku xirka korontada, awood-siinta dhalinyarada iyo adeegyada maamulka intaba inta uu jiro maamulkan wadanka hoggaminayo.
Xoghayaha ayaa ku dooday in sanado badan ay gobollada qaar sida Nyanza ka dambeeyeen tilmaamayaasha muhiimka ah ee horumarka, sababo la xiriira qoondaynta khayraadka oo aan loo simanayn iyo maalgashiga dadweynaha oo xaddidnaa.
Wuxuu intaas ku daray in maamulka Kenya Kwanza uu qaatay hab qaran oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in aan gobolna gadaal looga tegin.
Isagoo ka hadlayay dhibaatada muddada dheer soo jiitamaysay ee daadadka ka dhaca Kano Plains iyo deegaannada u dhow, Omollo ayaa shaaca ka qaaday in kala bar ka mid ah 30-ka kiiloomitir ee xayndaabyada qorshaysnaa mar hore la dhammaystiray iyada oo loo marayo Hay’adda Horumarinta dooxada harada.
Wuxuu intaas ku daray in lacag horleh loo qoondeeyay sannad-maaliyadeedka hadda jira si loo dhammaystiro qaybaha haray ee dhexmara Nyando iyo meelaha kale ee u nugul daadadka.
Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in qorshaha dowladda ee lagu dhisayo 50 biyo-xireen oo waaweyn dalka oo dhan uu ku jiri doono labo biyo-xireen oo laga dhisayo Gobolka Harada si loo xoojiyo yaraynta daadadka, waraabka iyo helitaanka biyaha.
Omollo ayaa markale xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta adeeg bixinta heerka hoose, iyadoo loo marayo abuurista qaybo maamul oo horleh iyo shaqaalysiinta guddomiyo xaafadeedyo iyo ku-xigeenno dheeraad ah si adeegyada dowladda loogu dhoweeyo muwaadiniinta.