Madaxa ururka ay ku mideysan yihiin qareennada waddanka ee LSK Faith Odhiambo ayaa sheegtay in 187 qof oo ay laamaha ammaanka xireen maalinkii Talaadada ee toddobaadkan lagu siidayn doono damaanad.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dadkan shalay la soo taagay maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi iyagoo wajahaya dacwado kala duwan.
Madaxa LSK ayaa tilmaantay in dadka waawayn ee la xiray mid kasta oo ka mid ah lagu siidaynaya 50,000 oo shilin oo damaanad ah.
Sidoo kale , carruurta ay xireen saraakiisha ammaanka ayaa lagu siidaynaya min 10,000 oo shilin kadib marka ay gudbiyaan macluumaadka qoysaskooda iyo ehelladooda.