Ukraine oo sheegaysa inay soo ridday 24 ka mid ah diyaarado uu adeegsanayay Ruushka

0
278

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada sare uu soo riday 24 ka mid ah 29 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay adeegsanaysay xukuumadda Moscow.
Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
In kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin waxaa uu xusay in diyaaradahan xalay lagu soo bartilmaameedsaday gobollada Koonfureed ee Ukraine ee kala ah Odesa iyo Mykolaiv sidoo kale gobolka ku yaalla bartamaha wadankaasi ee Kirohovrad.
Ilaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi.
Hasa ahaate waxay wararku sheegayaan in burbur aan weli baaxadiisu la cayimin la gaarsiiyay kaabayaal ku yaalla gobolka Kirohovrad.