Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay agagaarka safaaradda Mareykanka ee magaalada Karachi ee Pakistan, ka dib markii mudaharaadyo ay ka dhasheen dilka Hogaamiyihii Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, sida uu sheegay mas’uul u warramay warbaahinta Al Jazeera.
Dhowr qof oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii ciidamada ammaanka ay rasaas fureen si ay u kala eryaan boqolaal mudaharaadayaal taageersan Iiraan oo isku dayayay inay gudaha u galaan safaaradda subaxnimadii Axadda maanta ah.
Dhakhtarka booliiska, Dr. Summaiya Syed, ayaa xaqiijisay in ugu yaraan sagaal meyd la geeyay isbitaalka rayidka ee Karachi. Mudaharaadyo waaweyn ayaa sidoo kale ka dhacay meelo kale oo Pakistan ka mid ah. Mudaharaadayaasha ayaa dab qabadsiiyay xafiis ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobay oo ku yaalla magaalada waqooyi ee Skardu ee gobolka Gilgit Baltistan oo ay deggan yihiin dad badan oo Shiico ah.




