Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Makueni

0
104

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena si daran ayay ugu dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Ikangavya ee ismaamulka Makueni.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee matatuuda qaadi kara 45 qof uu xakameynta lumiyay, isagoo dhowr jeer rogmaday xilli uu marayay waddada isku xirta Emali–Ukia.
Gaariga ayaa siday xubno qoys iyo saaxiibo ka soo ambabaxay Nthongoni oo ka tirsan bariga Kibwezi , kuwaas oo ku wajahnaa deegaanka Maumba ee Ikangavya, si ay uga qeyb galaan xaflad aroos oo dhaqameed.
Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday xarumo caafimaad oo kala duwan, oo ay ku jiraan Isbitaalka Makueni iyo Isbitaalka Matiliku, si loogu dabiibo.
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in matatu-gu uu lumiyay xakameynta xilli uu ka soo degayay meel waddada ka mid ah oo aad u qalloocan, taasoo keentay inuu dhowr jeer rogmaday.
Mas’uuliyiinta ayaa weli wada baaritaanno ku saabsan sababta shilka, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah.