Ugu yaraan 48 qof oo hal saac gudaheeda lagu dilay Qaza

0
218

Waaxda difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil halkaasi ka wado lagu dilay in ka badan 48 ruux hal saac gudaheeda.
Weerarradan dhanka cirka ah oo lala eegtay dugsi ay maamusho qaramada midoobay oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Bartamaha Qaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 ruux.
18 qof oo kale ayaa looga takhalusay magaalada Koonfureed ee Khan Younis halka 5 dheeraad ah lagu dilay magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 38,713 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 89,166 .