Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay bariga dalka Chad ka dib markii muran ka dhashay helitaanka biyaha oo u dhexeeyay laba qoys uu isu beddelay weerarro aargoosi ah, sida uu sheegay Raa’iisul Wasaare ku xigeenka dalkaas Limane Mahamat.
Mahamat ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada ka dib booqasho uu ku tagay tuulada Igote oo ku taalla gobolka Wadi Fira, meel u dhow xadka Suudaan, halkaas oo rabshadaha ay ka billowdeen Sabtidii. Waxaa uu sidoo kale sheegay in 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, loona gudbiyay xaruun caafimaad oo gobolka ku taalla si loogu daweeyo.
Rabshadaha ayaa ku fiday deegaanno ballaaran iyadoo weerarrada aargoosiga ah ay sii xoogeysanayeen, taasoo keentay in ciidanka milatariga uu soo farageliyo. Mas’uulka ayaa sheegay in jawaab degdeg ah oo ay bixiyeen ciidamada ammaanka ay gacan ka geysatay xakamaynta xaaladda, isla markaana hadda lagu soo celiyay degganaansho.
Dowladda ayaa bilowday hannaan dhexdhexaadin dhaqameed iyo dacwado sharci ah si loo ogaado cidda ka dambeysay falalkan. Iskahorimaadyada u dhexeeya bulshooyinka ee la xiriira tartanka dhulka iyo biyaha ayaa si joogto ah uga dhaca Chad, waxaana dowladda ay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xasillooni darrada ka jirta gobolka xadka bari.




