Madaxweynaha Faransiiska oo mas’uuliyiinta Iiraan kala hadli doona arrinta xiritaanka marin biyoodka Hormuuz

0
38

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu la hadli doono mas’uuliyiinta Iiraan si uu u riixo in dib loo furo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuuz, kaas oo muhiim u ah isu socodka tamarta caalamka.
Macron ayaa sheegay in la sameeyay isbahaysi caalami ah oo ujeedkiisu yahay sugidda amniga iyo xasilinta marin biyoodkaas, isla markaana lagu taageerayo in si nabad ah loo furo. Waxaa uu rajo ka muujiyay in wada hadallada soo socda ay keeni karaan in arrinta xal laga gaaro.
Intii uu ku sugnaa Giriigga, Macron ayaa ku adkeystay in ujeeddadu tahay in si buuxda loo furo marin biyoodka maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah lana xaqiijinayo xorriyadda maraakiibta, si aan loo soo rogin kharashaad ama xannibaadyo.
Dhanka kale, madaxa shirkadda tamarta ee TotalEnergies ayaa ka digay in dagaalka Iiraan uu sababi karo yaraanta tamarta caalamka haddii uu sii dheeraado, taasoo kordhin karta cadaadiska suuqa shidaalka iyo gaaska.