Gadi Eisenkot oo diiday baaqii Netanyahu ee ku saabsanaa midnimada, isaga oo ku tilmaamay “marmarsiiyo iyo khiyaano siyaasadeed”.

0
64

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Gadi Eisenkot, ayaa diiday baaqii ugu dambeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku dalbanayay in la dhiso dowlad midnimo qaran.
“Tani waa khiyaanadii ugu dambeysay ee Netanyahu. Wuxuu ku baaqayaa wada-hadallo xilli hore loo qorsheeyay, wuxuuna sheeganayaa inuu doonayo midnimo, balse wuxuu bahdilayaa munaasabad qaran oo rasmi ah oo ka dhacday Knesset-ka (baarlamaanka Israa’iil),” ayuu Eisenkot ku yiri qoraal uu ku baahiyay barta X.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa horay muuqaal uu soo saaray ku sheegay in kulankii uu Khamiistii la yeeshay Eisenkot uu sii xoojiyay aaminsanaantiisa ah in ay lama huraan tahay in la dhiso dowlad midnimo qaran.
Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ayaa sheegay in dowlad noocaas ah ay “hal mar iyo dhammaanba meesha ka saari karto khatarta Iiraan”. Waxa uu sidoo kale ku andacooday in Tehran aysan ka labalabeyn doonin inay hubka nukliyeerka u adeegsato Israa’iil.