Militariga Israa’iil ayaa duqeeyay guriyo dhowr ah oo la deggan yahay oo ku yaalla Bartamaha Qaza.
Waxaa halkaasi dil wadareed loogu gaystay ugu yaraan 40 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Xafiiska arrimaha warbaahinta ee Qaza ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Qoraalka ka soo baxay xafiiskan waxaa qayb ka ah in falal dambiyeedyada laga gaysanaya halkaasi lagula xisaabtami doono Maraykanka iyo Israa’iil oo garab ka helaysa.
Beesha caalamka ayaa dhanka kale loogu baaqay inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjaraya duqeymaha ka socdo Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 29,410 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza halka 69,465 kalena la dhaawacay.