Ugu yaraan 32 qof oo lagu dilay dugsi ku yaalla Qaza

0
390

Duqeymo ay ciidamada militari ee Israa’iil ka gaysteen Qaza ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 32 ruux oo ay carruur ka mid yihiin.
Weerarka oo ay ku dhawaacmeen dhowr qof oo kale ayaa lala eegtay dugsi hooy u ah barakacayaasha xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Bartamaha Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradihiisa dagaalka ay duqeeyeen dugsigaasi oo ay maamusho hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 36,586 qof halka la dhaawacay 83,074 kale.