Afhayeenka xafiiska warfaafinta ee Qaza Ismaaciil al-Thawabta ayaa sheegay in isbitaalka Al-Aqsa hadda lagu daryeelo bukaanno ay tiradoodu tahay saddex jibbaar inta ay xaruntaasi caafimaad xamili karto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saameynta ka dhalatay weerarkii ay Israa’iil ku qaadday dugsi ay maamusho hay’adda UNRWA ay sii kordhisay culeyskii jiray.