Ugu yaraan 30 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Haiti

0
131

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho laga soo tabiyey goob taariikhi ah oo ku taalla dalka Haiti.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey wasiirka dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Haiti Emmanuel Menard.
Goobta ay dhibaatadan ka dhacday Sabtidii ayaa lagu magacaabaa Citadelle Henri.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka dhaawacmay hadda la daaweynaya halka kooxaha samatabixinta ay raadinayaan shakhsiyaad dheeraad oo la la’yahay.
In kastoo aan la sheegin tirada dhaawacantay haddana dowladda dalka Haiti ayaa shacabka ugu baaqday degganaan maadaama dhacdadaasi la baaraya.