Turxaan bixin lagu sameyn doono ilaalada gaarka ah

0
220

Dowladda dhexe ayaa shaacisay inuu jiro qorsho lagu turxaan bixinaya ilaalada gaarka ah ee xarumaha kala duwan.
Waxaa sidatan laga soo xigtay madaxa fulinta ee waaxda qaabilsan maareynta shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga Fazul Maxamad.
Mas’uulkan ayaa sheegay in turxaan bixintan laga sameyn doono guud ahaan wadanka.
Fazul ayaa intaasi ku daray in uunan jirin qof loo oggolaan doono inuu noqdo ilaalo gaar ah iyadoo aan la marin turxaan bixin dhanka ammaanka ah , aan la diiwaangelin sidoo kalena la siin shati rasmi ah.
Sidoo kale waxaa la qorsheynaya in 17-ka bishan Jannaayo madal wacyigelin ah lagu qabto maqaaxida Sarova Stanley ee ismaamulka Nairobi.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan goobta lagu caweeyo ee Kettle House Bar ee xaafadda Lavington ee Nairobi lagu weeraray saraakiisha maamulka qaran ee la dagaallanka maandooriyaha ee NACADA, saraakiil amni oo wehelinayay iyo wariyaal tabinayay howlgal halkaasi laga sameynaya .
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsanayay isticmaalka shiishadda oo wadanka laga mamnuucay sanadkii 2017-kii.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in ilaalada gaarka ah ee xarunta Kettle House Bar ay adeegsadeen awood iyagoo isku dayay inay howlwadeennada maamulka NACADA, booliiska iyo wariyaasha ka hor istaagaan inay gudaha u galaan goobtaasi in kastoo aynan taasi ku guuleysan.
Waxaa markii dambe gacanta lagu dhigay ugu yaraan 21 eedeysanayaal oo falkaasi lala xiriirinaya.