Trump oo u safraya Imaaraadka

0
571

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta safar ku tagaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da.
Waxaa uu shalay gaaray dalka Qatar isagoo dowladda dalkaasi la saxiixday heshiisyo.
Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee White House ayaa laga soo xigtay in Trump iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ay wada saxiixdeen heshiisyo horseedaya isdhaafsi dhaqaale oo ah ugu yaraan $1.2 Triliyoon oo doollar.
Waxaa heshiisyadan qayb ka ah in shirkadda duullimaadka ee Qatar Airways ay ku soo iibsato 210 ah diyaaradaha shirkadda Boeing iyo kuwo kale oo ay ku baxaysa 96 bilyan oo doollar.
Sidoo kale , Maraykanka ayaa maalgashiyo dhan 38 bilyan oo doollar ka sameyn doono saldhigga ciidamada ilaalinta hawada ee Qatar ee Al Udeid Airbase iyo dhinacyada kale ee gaashaandhigga dalkaasi.