Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu aqbalay martiqaad uu ka helay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping si uu u booqdo Beijing bishii April ee sanadka 2026-ka, isla markaana uu ku casuumay Xi booqasho rasmi ah oo uu ku tago Mareykanka dabayaaqada sanadka soo socda.
Trump ayaa ku dhawaaqay arrintan dhowr saacadood ka dib markii uu khadka taleefoonka kula hadlay Xi subaxnimadii Isniinta, kaas oo uu ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Ukraine, daroogada fentanyl, iyo dalaga soybean-ka. Wicitaanka taleefanka ayaa yimid ku dhawaad hal bil ka dib markii labada nin ay si shaqsi ah ugu kulmeen magaalada Busan ee Kuuriyada Koonfureed.
Xukuumadda Beijing oo ku hor dhawaaqday wadahadalka taleefoonka ayaan ka hadlin booqashada Trump balse sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen ganacsiga, Taiwan iyo Ukraine.
Xi JinPing ayaa Trump ugu sheegay khadka taleefoonka in soo laabashada Taiwan ee dhul weynaha Shiinaha ay tahay “qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka caalamiga ah ee dagaalka kadib,” isagoo rajo ka muujiyay “heshiis nabadeed oo cadaalad ah, oo waara “.
Wadahadalka ayaa yimid ka dib markii Raa’iisul Wasaaraha Japan Sanae Takaichi ay dhawaan sheegtay in militariga Japan uu ku lug yeelan karo haddii Shiinaha uu tallaabo ka qaado Taiwan, oo ah jasiiradda iskeed isu maamusha oo Beijing ay sheegtay inay tahay inay hoos timaado xukunkeeda.




