Taangiyada dagaalka ee Israa’iil oo loo dhaweeyay gidaarka Qaza

0
375

Ciidamada Israa’iil ayaa taangiyadooda dagaalka geeyay meel u dhow gidaarka Qaza.
Waxaa halkaasi ku soo badanaya dhaqdhaqaaqa ciidan.
Tani ayaa qayb ka ah diyaargarowga ay Israa’iil ugu jirto inay Qaza ka fuliso duullaan militari oo dhanka dhulka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ay barakaceen ka dib amarkii Israa’iil ee ahaa in 1.1 milyan oo qof ay ka guuraan Waqooyiga Qaza oo ay u wareegaan dhanka Koonfureed.
Ugu yaraan 2,329 qof oo Falastiiniyiin oo ay ka mid yihiin 724 carruur ah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil.
Dhanka Israa’iil , weerarkii Xamaas waxaa ku dhintay 1,300, oo 286 ka mid ah ay yihiin ciidamada militariga.