Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Suudaan ay dib ugu yeertay safiirkeedi ku matalayay Kenya Ambasadoor Kamal Jubbara si wada tashi loo sameeyo.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee dalka Suudaan Maxamad Xamdaan Dagalo.
Saraakiisha uu mas’uulkan hoggaamiyo ayaa tan iyo bartamihii bishii Afaraad ee sanadkii hore dagaal kula jira militariga Suudaan ee uu madax u yahay general Cabdel Fattax al-Burhan.
Dagalo ayaa safarro ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Koonfur Afrika oo uu hadda ku sugan yahay.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Suudaan ee SUNA ayaa ku warramaysa in sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Cali al-Sadiiq uu xaqiijiyay tallaabada loogu yeeray danjirihi Suudaan ee Kenya Ambasadoor Kamal Jubbara.
Tallaabadan ayuu ku sheegay in ay dowladda Suudaan ku muujinaysa sida ay uga xun tahay in madaxa RSF ay dowladda Kenya soo dhaweyso.
Cali al-Sadiiq ayaa sheegay in wada hadallada lagu eegi doono dhinacyo badan oo ku saabsan mustaqbalka xiriirka Kenya iyo Suudaan.