Sossion oo ka hadlay sababta ay arday badan u helin buundada C+

0
609

Xoghayihii guud ee hore ee ururka qaran ee macallimiinta KNUT,Wilson Sossion ayaa sababta aynan arday badan natiijadii imtixaanka KCSE-da ee shalay la shaaciyay uga soo hooyn buundada loogu biiro jaamacadaha ee C+ u aaneeyay inay jiraan macallimiin badan oo aan la dhiirrigelin.
Arrintan ayuu ku sheegay wareysi uu saaka siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Wilson Sossion ayaa walaac ka muujiyay in ugu yaraan 48,000 oo arday ah ay heleen buundada E.
Waxaa uu ku taliyay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC laga doonayo inuu shaqaaleysiiyo macallimiin dheeraad ah sidoo kalena mushaar kordhin loo sameeyo oo la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan in barayaasha ay u helaan dhiirrigelin buuxda.