Waxaa deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu maanta lagu qabanaya kulan ay ka qayb galayaan siyaasiyiinta , ganacsato iyo waxgarad.
Madaxa xisbiga Narc Kenya, Martha Karua ayaa sheegtay in shirka ay uga arrinsanayaan arrimaha taabanayaa Mount Kenya sida siyaasadda , midnimada iyo dhaqaalaha.
Qaar ka mid ah madaxda ka soo jeeda gobolka Bartamaha ee uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kulanka Limuru ku tilmaamay mid aan faa’iido wayn lahayn oo horseedi kara kala qaybsanaan.