108 qoys oo ay saameeyeen fatahaado ka dhacay Mombasa iyo Kwale

0
46

Ugu yaraan 103 qoys ayaa ay saameeyeen roobab culus iyo dabaylo xooggan oo ka da’ay dowlad deegaanka Mombasa, iyadoo weli la raadinayo darawal mooto bajaaj ah oo ay qaadeen daadad ka dhacay meel u dhow Shimba Hills ee ismaamulka Kwale, sida ay sheegtay Hay’adda Laanqayrta Cas.
Warbixin ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in roobabka xooggan ay sababeen fatahaado degdeg ah iyo burbur soo gaaray guryo, taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay qaybo ka mid ah gobolka Xeebta.
Magaalada Mombasa gudaheeda, sagaal qoys ayaa ka barakacay deegaannada Jomvu, Kisauni, Changamwe iyo Likoni, halka guryo ku yaalla Freretown ay waxyeello kasoo gaartay dabaylo xooggan oo saqafyada ka qaaday. Sidoo kale, fatahaado ayaa laga soo sheegay deegaanka Nyali, taasoo sii adkaysay isu socodka iyo gaadiidka.
Adeegyada caafimaadka ayaa hakad galay ka dib markii biyaha fatahaadda ay ka hor istaageen in la gaaro isbitaalka Jomvu iyo xaruunta caafimaadka ee Tudor. Dhanka dowlad deegaanka Kwale, shan qoys ayaa ay saameeyeen roobabka ka da’ay Lungalunga iyo Vanga, iyadoo weli ay socdaan qiimeyn iyo gurmad lagu caawinayo dadka ay dhibaatada soo gaartay.