Shil ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Tokyo oo la baaraya

0
281

Ciidamada booliiska ee dalka Japan ayaa billaabay baaritaano ku aaddan shil ka dhacay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Haneda ee magaalada Tokyo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood.
Laamaha ammanka ayaa eegaya inay suurtagal tahay inay jirtay dayacaad mas’uuliyadeed oo sababtay dhacdadaasi.
Waxaa xilligaasi gubatay diyaaradda shirkadda duullimaadka ee Japan Airlines ee Airbus A350 in kastoo 379 qof oo rakaab ahaa oo ay siday si nabad ah looga soo saaray diyaaradda.
Diyaaradda yar ee kale ee ay middan isku dhaceen oo ay saarnaayeen 6 shaqaale ayaa waxaa ka badbaaday hal ka mid ah.