Dowladda oo sheegtay in hadda aan dalka la imaan karin fiisa la’aan

0
424

Maamulka duullimaadka rayidka ee dalka ee KCAA ayaa sheegay in ajaaniibta doonaya inay Kenya imaadaan looga baahan yahay dal ku gal.
In kastoo madaxweynaha dalka William Ruto uu horay u shaaciyay in arrinkan meesha laga saari doono billowga sanadkan , haddana tani ayaan weli si rasmi ah u dhaqangelin.
Maamulka KCAA ayaa bayaan ku sheegay in xaaladda ay sidii hore ahaan doonto ilaa iyo inta laga faahfaahinayo isbeddello ay dowladdu shaacisay in lagu sameynaya hannaanka ansixinta safaradda ee elektorooniga ee (ETA) .
Maamulkan ayaa sheegay in nidaamkan oo weli gacanta lagu hayo uu fududeyn doono in xilli hore la aqoonsado dadka Kenya u soo safraya.
Hasa ahaate KCAA ayaan caddeyn xilliga uu diyaar noqon doono hannaanka ETA .