Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagaxisada

0
70

Maraykanka ayaa Isniintii Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada, tallaabadaas oo Washington ku sheegtay inay gacan ka geysan karto kordhinta maalgashiga iyo xasilloonida dhaqaale ee Suuriya.
Go’aanka ayaa dhaqan galay kadib markii uu dhammaaday 45 maalmood oo dib-u-eegis ah oo Congress-ka Maraykanku sameeyay. Madaxweyne Donald Trump ayaa 8-dii Luulyo si rasmi ah Congress-ka ugu wargeliyay qorshahan, kadib kulan uu Ankara kula yeeshay Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in go’aanku dhiirrigelin doono maalgashi badan oo Suuriya lagu sameeyo, taas oo gacan ka geysan karta xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale.
Suuriyu waxay ku jirtay liiska tan iyo 1979-kii, markaas oo Washington ay dowladda madaxweynihii hore Hafez al-Assad ku eedaysay inay taageerto kooxo hubaysan. Magacaabistaasi waxay sii jirtay intii uu xukunka hayay wiilkiisa, Bashar al-Assad, kaas oo ay December 2024 mucaaradku hoggaaminayeen al-Sharaa ku rideen talada.
Magacaabistaasi waxay xaddidaad ku soo rogtay gargaarka dibadda ee Maraykanka, dhoofinta iyo iibinta qalabka difaaca, qaar ka mid ah agabka laba-u-isticmaalka ah (kuwaas oo loo adeegsan karo arrimo rayid iyo kuwo milatari), iyo macaamilada maaliyadeed.
Waxay sidoo kale sii ahaanaysay caqabad weyn oo bangiyada iyo maalgashadayaasha ka hor istaagta inay la macaamilaan Suuriya, xitaa ka dib markii Washington ay meesha ka saartay barnaamijkeedii ballaarnaa ee cunaqabataynta Suuriya.