Pakistan iyo Iran oo ka wada hadlaya dib u soo celinta heshiiskii is-afgaradka u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran

0
67

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa sheegay in Pakistan iyo Iran ay ka wada hadlayaan dib u soo celinta heshiiska is af garadka horey loogu kala saxiixday Iran iyo Maraykanka, kaas oo gacan ka geysan kara in xal loo helo colaadda weli socota.
Naqvi oo qoraal ku daabacay barta X ayaa sheegay in isaga iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ay yeesheen kulan aad u wanaagsan oo wax-ku-ool ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha Iran.
Wuxuu intaas ku daray in wada-hadalkoodu diiradda saaray colaadda Iran iyo Maraykanka, xiisadaha ka jira Bariga Dhexe iyo jidka loo qaadayo xal waara, iyo sidoo kale tallaabooyinka ay labada dhinac u baahan yihiin inay qaadaan si dib loogu soo celiyo heshiiskii Islamabad, taas oo horseedi karta xal dhammaystiran oo laga gaaro colaadda.
Naqvi wuxuu sheegay in madaxweynaha Iran uu si daacad ah ula wadaagay aragtida iyo walaacyada dowladdiisa, waxaana yeelannay is-dhaafsi aragtiyeed oo wax-ku-ool ah oo ku saabsan arrimaha taagan.