Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Senegal oo ay ka dhacaysa doorashada baarlamaanka

Senegal oo ay ka dhacaysa doorashada baarlamaanka

Codbixiyeyaasha dalka Senegal ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho lagu soo xulanaya xubnaha baarlamaanka .
Goobaha codbixinta oo la furay 8-dii subaxnimo ee maanta ayaa la soo xiraya 6-da maqribnimo.
Codbixiyeyaal ay tiradoodu gaaraysa 7 milyan ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada codeynta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo jawi siyaasadeed oo kacsan uu ka jiro waddankaasi dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Garabyada mucaaradka ee Senegal ayaa doonaya inay xannibaan hammiga madaxweynaha wadankaasi Macky Sall ee uu ku doonayo muddo xileed saddexaad sanadka 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments