Senatarrada oo dalbanaya in ismaamullada la siiyo 49 boqolkiiba canshuurta shidaalka ee dayactirka waddooyinka

0
116

Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Senate-ka u qaabilsan Waddooyinka, Gaadiidka iyo Guriyeynta ayaa soo jeediyay in ismaamullada la siiyo 49 boqolkiiba lacagaha canshuurta shidaalka ee dayactirka waddooyinka, iyadoo loo marayo Hindise sharciyeedka Wax ka beddelka Xeerka Waddooyinka ee sannadka 2025. Soo jeedintan ayaa kasoo horjeedda qorshaha Wasaaradda Waddooyinka iyo Gaadiidka oo doonaysa in dowlad deegaannada loo qoondeeyo 15 boqolkiiba oo keliya.
Soo jeedinta ayaa lagu bandhigay kulan wadatashi ah oo ka dhacay ismaamulka Machakos, iyadoo senatarrada ay sheegeen in lacagaha ay tahay inay raacaan shaqooyinka loo wareejiyay dowlad deegaannada. Guddiga oo uu hoggaaminayo Senator Eddy Oketch ayaa sheegay in shaqooyinkii ay hore u hayeen Hay’adda Waddooyinka Miyiga ee (KeRRA) iyo qayb weyn oo ka mid ah Hay’adda Waddooyinka Magaalooyinka ee (KURA) hadda ay mas’uul ka yihiin ismaamullada.
Qorshaha Golaha Aqalka Sare ayaa dhigaya in dowladda dhexe ay sii haysato 51 boqolkiiba Sanduuqa Dayactirka Waddooyinka, halka 49 boqolkiiba loo wareejinayo dowlad deegaannada. Senatarrada ayaa sidoo kale soo jeediyeen in nidaamka kala saarista waddooyinka la fududeeyo, iyagoo ku taliyay in waddooyinka lagu saleeyo isticmaalka halkii lagu saleyn lahaa goobta ay ku yaallaan.
Dhanka kale, Wasiirka Waddooyinka iyo Gaadiidka Davis Chirchir ayaa difaacay qorshaha wasaaradda, isagoo sheegay in waddooyinka waaweyn ee qaran ay qaadaan gaadiidka ugu badan sidaas darteedna ay u baahan yihiin dhaqaale badan oo dayactir ah. Dooddan ayaa kusoo beegmaysa ka dib markii Maxkamadda Sare ay aqoonsatay ismaamullada inay xaq u leeyihiin Sanduuqa Dayactirka Waddooyinka, inkastoo Maxkamadda Rafcaanka ay hakisay hirgelinta go’aankaas si baarlamaanka uu sharciga ula waafajiyo dastuurka.