Sare u kac ku imaan kara qiimaha shidaalka ee dalka

0
136

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Qaranka John Mbadi ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay kor u kaca qiimaha badeecadaha batroolka iyadoo adeegsanaysa sanduuqa xasilinta qiimaha.
Wasiir Mbadi, oo la hadlay guddiga maaliyadda iyo qorsheynta ee Golaha Qaranka, ayaa xaqiijiyay in dalka uu haysto kayd shidaal oo ku filan Maalmo kooban, taasoo walaac gelisay suurtagalnimada saameyn ku timaada sahayda mustaqbalka dhow.
Waxaa uuna carrabka ku dhuftay in cawaaqib xumada ka dhalatay colaadda Bariga Dhexe durba laga dareemayo qaar ka mid ah dhoofinta shidaalka ee Kenya.
Si kastaba ahaate kaydka shidaalka ee uu hadda dalka heysto ayaa kala ah 16 maalmood oo batrool ah, 19 maalmood oo naaftada ah, iyo 49 maalmood oo shidaalka diyaaradaha iyo gaaska ah, taasoo dalka ka dabooli doonta muddo gaaban iyadoo bishan la filayo in shixnado dheeraad ah ay dalka soo galaan.