Gantaallo xooggan oo ku dhacay magaalada Haifa ee Israa’iil

0
141

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in gantaalkii ugu dambeeyay eek u soo dhacay gudaha Israa’iil lala beegsaday magaalada Haifa iyo deegaannada ku hareeraysan ee waqooyiga Israa’iil.
Ilo caafimaad oo Israa’iil laga helay ayaa sheegaya in lix qof ay dhaawacmeen, qaarkoodna ay la ildaran yihiin dhibaatooyin nafsi ah.
Haifa waa magaalo muhiim ah oo istaraatiiji ah oo ku taal Israa’iil oo ay ku nool yihiin dad badan .
Waxa kale oo ay hoy u tahay warshadda saliidda ugu muhiimsan Israa’iil ee farsamaysa 70 boqolkiiba awoodda sifeynta saliidda Israa’iil.