Sagaal ruux oo ku dhintay weerar uu Ruushku ku beegsaday bas ay saarnayeen dad rayid ah

0
359

Sagaal qof ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen bas rakaab ah oo marayey waqooyi bari ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.
Maamulka milatariga gobolka Sumy ayaa sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay magaalada Bilopilia subaxnimadii Sabtida.
Bahda caafimaadka, shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo booliiska ayaa hadda ka shaqaynaya goobta.
Weerarkan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii Ruushka iyo Ukraine ay ku yeesheen Turkiga wadahadal nabadeed oo toos ah tan iyo 2022-kii.