Sagaal qof oo ku dhintay dhismooyiin ku dumay dalka Lubnaan

0
402

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen markii laba dhisme oo isku xiga ay ku dumeen magaalada Tripoli ee waqooyiga Lubnaan.
Agaasimaha guud ee difaaca rayidka Imad Khreish ayaa warbaahinta Lubnaan u sheegay in sagaal qof ay dhinteen, laakiin lix kale oo la badbaadiyay loo qaaday isbitaal.