Iran oo xirtay afar qof oo lala xariirinayo Israa’iil iyo Mareykanka

0
344

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa xiray afar qof oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay “carqaladeeyaan nidaamka siyaasadeed iyo bulsho ee dalka” iyo inay u shaqeeyaan “danta” Israa’iil iyo Mareykanka intii lagu jiray dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee bishii Janaayo.
Maxaabiista la xiray, waxaa ku jiray saddex siyaasi oo caan ah oo isbeddel doon ahaa, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan.
Shakhsiyaadka la xiray ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Azar Mansouri, madaxa Jabhadda Dib-u-habaynta Iiraan, Mohsen Aminzadeh, diblomaasi hore, iyo Ebhrahim Asgharzadeh, oo hore uga tirsanaan jiray baarlamaanka.
Kan afraad lama magacaabin.