Ruushka oo sheegay inuu burburiyay 31 ka mid ah diyaaradaha Ukraine

0
283

Dowladda Ruushka ayaa sheegaysa inay soo ridday 31 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.
Xukuumadda Moscow ayaa laga soo xigtay in Ukraine ay diyaaradahan xalay ku weerartay gobollada xiga dhanka xadka ee Belgorod, Bryansk iyo Kursk.
Dhanka kale joornaalka Telegram Post ayaa ku warramaya in ugu yaraan hal dhisme oo waxbarasho lagu burburiyay weerar laga gaystay magaalada Kherson ee dalka Ukraine.