Ruushka oo qaar ka mid ah saraakiisha samatabixinta ku dilay Ukraine

0
346

Waxaa lagu soo warramayaa in duqeymo ay dowladda Ruushka ka gaysatay magaalada bari ee dalka Ukraine ee Kharkiv lagu dilay ugu yaraan afar qof oo ay ka mid yihiin howlwadeennada qaabilsan arrimaha samatabixinta.
Weerarrada ayaa lagu bartilmaameedsaday dhismooyin la deggan yahay.
Duqa magaalada Kharkiv, Igor Terekhov ayaa sheegay in 12 qof oo kale la dhaawacay.
Waxaa uu intaasi ku daray in saddex ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen saraakiisha samatabixinta oo halkaasi u tagay inay ka falceliyaan saameynta weerar hore.