Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shaaciyey in xukuumadda Moscow ay India gaarsiin doonto shixnado shidaal oo aan carqaladeyn lahayn.
Tani ayaa timid ka dib markii Putin iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ay heshiis ku wada gaareen magaalada New Delhi.
Iskaashigan dhanka shidaalka ah ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo cilaaqaadka gaashaandhigga ee labada dhinac iyadoo uu jiro cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Maraykanka.
Putin ayaa Modi u sheegay in Ruushka uu yahay waddan la isku halleyn karo oo India garab ku siinaya qaybinta shidaalka iyo wax kasta oo horumarinaya waaxda tamarta ee waddankaasi.




