Ruto iyo Rubio oo ka wada hadlay ganacsiga, AI iyo amniga gobolka

0
188

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, iyagoo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga Kenya iyo Mareykanka ee dhinacyada ganacsiga, tiknoolajiyadda, macdanta muhiimka ah, tamarta iyo amniga gobolka.
Kulanka ayaa ka dhacay shirarka barbar socda Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli Kenya ay dooneyso inay sii xoojiso iskaashigeeda dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka.
Ruto ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay ganacsi, amni, tiknoolajiyad iyo horumar.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay ballaarinayaan iskaashigooda dhinacyada soo koraya, gaar ahaan garaadka macmalka ah AI iyo adeegsiga uu ku leeyahay caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada maaliyadeed.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida si mas’uuliyad leh loo maamuli karo tiknoolajiyadaha AI ee si xawli ah u horumaraya, waxayna sahamiyeen fursadaha iskaashi ee dhinacyada macdanta muhiimka ah iyo tamarta nukliyeerka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Tommy Pigott ayaa sheegay in Rubio iyo Ruto ay ka wada hadleen sida fursadaha Kenya ee dhinaca macdanta muhiimka ah ay dalka uga dhigi karaan xubin muhiim ah oo ka tirsan qaybtaas, isla markaana ay fursado u abuuri karaan shirkadaha Mareykanka inay gacan ka geystaan kordhinta qiimaha macdanta gudaha dalka.
Dhanka amniga gobolka, Ruto ayaa sheegay in wadahadalladu diiradda saareen sii wadista howlgalka amniga ee Soomaaliya, taageeridda xasilloonida Haiti iyo wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee kasii daraysa Sudan.
“Waxaan ka wada hadalnay sii wadista howlgalka amniga ee Soomaaliya, taageeridda xasilloonida Haiti, iyo wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo kasii daraysa ee Sudan, iyadoo loo marayo dadaallo lagu gaarayo xabbad-joojin, heshiis siyaasadeed iyo sii wadista wadashaqeynta gobolka,” ayuu yiri Ruto.
Rubio ayaa sidoo kale muujiyay inuu qadarinayo iskaashiga Kenya ay la leedahay dowladda Mareykanka ee hirgelinta Istaraatiijiyadda Caafimaadka Caalamiga ah ee America First, taas oo lagu doonayo in loo sameeyo hannaan cusub oo ku saabsan iskaashiga caafimaad ee muddada dheer u dhexeeyay labada dal.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Kenya ay sii xoojinayso doorkeeda ah inay noqoto mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ee Afrika, iyadoo iskaashiga labada dal uu ku fidsan yahay ganacsiga, maalgashiga, amniga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo diblomaasiyadda gobolka.