Madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha ODM Oburu Oginga ayaa maanta hoggaaminaya kulan siyaasadeed oo ka dhacaya magaalada Naivasha, kaas oo looga hadlayo istaraatiijiyadda ay dowladda uga hortagayso dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee sii xoogeysanaya ka hor doorashada guud ee sanadka 2027.
Kulanka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaal la doortay oo taageersan dowladda ballaaran ee Kenya Kwanza iyo ODM.
Shirka ayaa kusoo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay mideeyaan safafkooda, si ay uga hortagaan Madaxweyne Ruto, islamarkaana ay doorashada 2027 ugu soo baxaan hal musharrax oo madaxweyne.
Mucaaradka ayaa sidoo kale sare u qaaday ololahooda siyaasadeed, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay isu soo baxyo iyo kulamo siyaasadeed ka wadaan meelo kala duwan oo dalka ah, taasoo u muuqata inay walaac ku abuurtay garabka dowladda.
Kulanka Naivasha ayaa sidaas darteed diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza iyo ODM, loogana jawaabi lahaa dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee sii kordhaya.




