Raila oo dowladda ugu baaqay in ay oofiso ballanqaadka ay u sameysay dhakhaatiirta

0
353

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka iyo golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG ku boorriyay in aynan ka bixin ballanqaadka ay u sameeyeen dhakhaatiirta.
Waxaa uu soo dhaweeyay heshiis ay shalay wada gaareen dhinacyadan kaasi oo lagu soo afjaray shaqo joojin ay dhakhaatiirta dalka ee ka howlgalo isbitaallada dowliga ah ku guda jireen 56 cishe.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada heshiiyay ay muujiyaan niyad sami la xiriirta sida ay uga go’an tahay ilaalinta qodobbada la isku afgartay.
Waxaa uu intaasi ku daray in garabka mucaaradka ee dalka uu arrinkan si dhow ula socon doono si uu u dhaliilo cidii heshiiska baal marta.