Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo is casishay ka dib 45 cisho oo xilkaasi haysay

0
475

Liz Truss ayaa si lama filaan ah isaga casishay xilka ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriiska, ka dib 45 cisho oo kaliya oo ay haysay jagadaasi.
Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegtay in qofka beddeli doona lagu dooran doono tartanka hoggaanka ee xisbiga muxaafidka, oo la dhameystiri doono toddobaadka soo socda.
Xildhibaanada ayaa waxay ku boorriyeen Truss inay ka laabato waxyaabaha sababay qalalaasaha siyaasadeed, ka dib markii ay sameysay siyaasad dhaqaale oo aan meel mar ahayn.
Truss ayaa waxaa doortay xubnaha xisbiga muxaafidka ah bishii Sagaalaaad ee sanadkan, hasa ahaate waxay lumisay kalsoonida, ka dib markii ay la timid isbeddel fara badan.
Khudbad kooban oo ay ka jeedisay bannaanka xafiiska Downing Street, Truss ayaa waxay ku sheegtay in xisbiga Conservative-ku ay doorteen xilli jahawareer dhaqaale uu jiro.
Waxaa ay muujisay in aynan wax ka qaba Karin howlaha horyaalla.
Truss ayaa sheegtay inay xilka sii heyn doonto, illaa qofka beddeli doona uu si rasmi ah ula wareegayo hoggaanka xisbiga.