Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay inuu qorsheynaya inuu mar dhow shaaciyo qabsoomidda doorasho qaran.
Albanese ayaa maanta sidatan u sheegay raadiyaha Triple M oo uu u warramayay.
Waxaa uu xusay in uunan maanta doorasho ku dhawaaqi doonin balse uu arrintan shaacin doono mar dhow.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay la tahay in shacabka Australia ay doonayaan in codeynta laga gudbo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddada kama dambeyska ah ee lagu soo dooranaya baarlamaan cusub ay tahay 17-ka bisha Shanaad ee May ee sanadkan.




