Waxaa galinkii dambe ee shalay magaalada Nairobi lagu toogtay mid ka mid ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Rex Kanyike Masai oo 24 sano jir ahaa ayay wararku sheegayaan inuu abaare 7-dii fiidnimo toogtay askari aan dareeska rasmiga ku labisnayn.
Goobjooge ayaa sheegay in Rex ay rasaasta uga dhacday dhanka lugta.
Meydka Rex Kanyike ayaa la dhigay goobta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka waxaana hadda socdo baaritaano ku aaddan dhacdadaasi oo ay caro xooggan ka dhalatay.