Qareen sare Mathew Kyalo Mbobu, ayaa fiidnimadii xalay lagu toogtay weerar baabuur oo ka dhacay gudaha magaalada Nairobi.
Wararka horudhac ah ayaa sheegaya in qof aan la garaneyn uu rasaas ku furay Mbobu xilli uu ka soo baxay shaqada ka hor inta uusan goobta kaga baxsanin mooto.
Dhacdadan ayaa argagax ku beertay guud ahaan dalka, iyadoo madaxda, asxaabtiisa iyo ardaydiisa ay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid garyaqaankan caanka ahaa.
Ururka Qareenada dalka ee (LSK), ayaa bayaan ay soo saareen ku tilmaamay dilka mid wax laga xumaado ah, waxaa ayna ku baaqeen in si deg deg ah loo sameeyo baaritaanno dhab ah.
LSK ayaa walaac ka muujisay hanjabaadaha isa soo taraya ee ay la kulmayaan xubnaha qareenada dalka, iyadoo ka digtay in dilkaasi uu leeyahay astaamaha lagu garto dil qorsheysan.
Afhayeenka aqalka senate-ka Amason Kingi, oo hore uga mid noqday ardeydii hore ee Mr. Mbobu, ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka, isagoo ku sifeeyay inuu qaranka burburiyay.
Kingi ayaa ku booriyay booliiska inay sameeyaan baaritaanno degdeg ah oo qoto dheer si loo soo bandhigo dambiilayaasha, cadaaladdana loo sugo.




