Paul Famba oo loo magacaabay madaxa fulinta ee guddiga adeegga dadweynaha

0
193

Waxaa xilka madaxa fulinta ee guddiga adeegga dadweynaha ee PSC loo magacaabay Paul Famba oo jagadan hayn doono muddo 5 sano ah.
Muddo xileedka mas’uulkan ayaa si rasmi ah u billaaban doono koowda bisha Sideedaad ee sanadkan.
Guddiga PSC ayaa laga soo xigtay inuu beddeli doono Simon Rotich oo xafiiska banneynaya bisha Toddobaad ee July.
Rotich ayaa guddigan hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2019.
Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee dalka Anthony Muchiri ayaa sheegay in madaxa cusub ee fulinta uu soo kordhinaya waaya aragnimo badan oo dhanka maamulka ah.
Waxaa uu xilal sare ka soo qabtay dowladda sida guddoomiye ku xigeen ismaamul ,agaasimihii maamulka , sarkaalka dowladda u qaabilsanaa hab-maamuuska iyo kuwo kale.
Waxaa uu Muchiri muujiyay kalsooni ah in khibradda shaqo ee mas’uulkan ay horumar u horseedi doonto guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Paul Femba ayaa ka hor inta aan jagadan loo magacaabin wuxuu ahaa xoghayaha dhanka maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka.
Waxaa uu haystaa shahaadada heerka Degree-ga oo uu ka qaatay jaamacadda Nairobi iyo Masters oo ah culuunta amniga iyo maareynta isku dhacyada oo uu ka qaatay jaamacadda Kenyatta.