Hay’adda Qaranka ee Gaadiidka iyo Badbaadada Waddooyinka (NTSA) ayaa ku dhawaaqday qorshe ay toddobaadka soo socda ku hakinayso in ka badan 300,000 oo liisamada darawalnimada ah, sababo la xiriira ku xadgudubka xeerarka xawaaraha.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole cusub oo lagu adkaynayo ilaalinta shuruucda waddooyinka, iyadoo dalka loo diyaar garoobayo xilliga fasaxyada dhammaadka sannadka.
Hay’addu waxay sheegtay inay diiwaangelisay 740,000 oo kiis oo xawaare- xad dhaaf ah 30-kii maalmood ee la soo dhaafay. Sidoo kale, muddadaas waxaa la diiwaangeliyay 1.7 milyan oo xadgudub oo la xiriira gaadiidka iyo darawallada.
Darawallada ay tallaabadani saamayso waxaa laga doonayaa inay mar kale galaan imtixaanka wadista ka hor inta aan dib loogu soo celin liisamadooda.
Hay’addu waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay hakineyso shahaadooyinka kormeerka gaadiidka ee 25,000 oo baabuur oo lagu helay inay wax ka beddeleen qalabka xaddida xawaaraha, inkastoo sharci ahaan looga baahnaa inay qalabkaasi baaburka ku rakibanyahay.
Ololahan ayaa imanaya iyadoo dalka uu isu diyaarinayo xilliga fasaxyada dhammaadka sannadka, kaas oo caadi ahaan ka mid ah xilliyada ugu khatarta badan waddooyinka Kenya, sababo la xiriira kororka gaadiidka iyo safarrada fasaxa.
Aggaasimaha Guud ee NTSA, Injineer Nashon Kondiwa, ayaa 15-kii Nofeembar ka digay in 5,009 qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka dalka sannadkii 2025, halka 19,896 kalena ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 11,638 shil oo la diiwaangeliyay.
Dadka sida gaarka ah ugu nugul shilalka waddooyinka, oo ay ku jiraan dadka lugeeya, wadayaasha mootooyinka iyo rakaabka, ayaa ka ahaa 73 boqolkiiba dadka waxyeelladu gaartay.
NTSA ayaa darawallada ugu baaqday inay u hoggaansamaan shuruucda waddooyinka, ka fogaadaan xawaare-dhaafka, isla markaana muujiyaan taxaddar dheeraad ah xilliga fasaxyada si loo yareeyo shilalka.
Home Wararka Kenya NTSA oo hakinayso 300,000 oo shatiyada darawalnimada ah sababo la xiriira xadgudubyada...




