Madaxa Garsoorka Kenya, Martha Koome, ayaa cambaareysay weerarrada, hanjabaadaha iyo cabsi-gelinta loo geysto suxufiyiinta. Waxay sheegtay in badbaadada iyo sharafta suxufiyiintu ay muhiim u yihiin ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo dimuqraadiyadda.
Koome waxay sheegtay in aanu jirin wariye ay tahay in la weeraro, loo hanjabo, la dhibaateeyo ama la cabsi geliyo xilli uu gudanayo waajibaadkiisa shaqo ee ah ururinta iyo tebinta wararka danta guud.
Waxay walaac ka muujisay caqabadaha ay suxufiyiintu kala kulmaan gudashada waajibaadkooda, iyadoo ka digtay in weerarrada lagu qaado ay halis gelinayaan xorriyadda saxaafadda iyo xaqa ay dadweynuhu u leeyihiin inay helaan xog iyo warar.
Madaxa Garsoorka ayaa si gaar ah u tilmaantay xaaladda adag ee ay wajahaan haweenka suxufiyiinta ah. Waxay sheegtay in haweenkaasi ay inta badan la kulmaan dhibaateyn, aflagaaddo ku salaysan jinsigooda oo lagula beegsado baraha internetka iyo hanjabaado loogu talagalay in codkooda lagu aamusiiyo.
Waxay sheegtay in falalka noocaas ah aan loo arkin oo keliya dhibaatooyin ka dhaca goobaha shaqada, balse ay yihiin arrimo si weyn u saameeya sinnaanta, xorriyadda hadalka iyo ka qaybgalka bulshada ee dimuqraadiyadda.
Koome waxay ku baaqday in la xoojiyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo suxufiyiinta. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la siiyo tababar ku saabsan badbaadada, qalab iyo habab ay isku ilaaliyaan, taageero dhinaca caafimaadka maskaxda ah iyo in hay’adaha mas’uulka ahi lala xisaabtamo marka weerarro lagu qaado suxufiyiinta.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta u dhexeysa waaxda garsoorka, warbaahinta iyo dadweynaha, si loo kordhiyo fahamka habraacyada caddaaladda doorashooyinka loogana hortago wararka khaldan ee dhaawici kara kalsoonida lagu qabo hay’adaha dastuuriga ah.
Iyadoo ka hadlaysay saamaynta sii kordhaysa ee tiknoolajiyadda, Koome waxay sheegtay in garaadka macmalka ah (AI) uu saxaafadda u leeyahay fursado iyo khataro labadaba.
Waxay xustay in garaadka macmalka ahi uu gacan ka geysan karo baaritaannada qotoda dheer ee saxaafadda, xaqiijinta xogta iyo fududeynta helitaanka macluumaadka.
Hase yeeshee, waxay ka digtay in tiknoolajiyaddani ay sidoo kale fududeyn karto samaynta iyo faafinta degdegga ah ee sawirro been abuur ah, codad la farsameeyay iyo warar marin-habaabinta ah.
Koome waxay tifaftirayaasha warbaahinta ugu baaqday inay maalgelin ku sameeyaan hababka lagu xaqiijiyo wararka, wacyigelinta bulshada ee adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo isticmaalka mas’uuliyadda leh ee tiknoolajiyadaha cusub, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda saxaafadda.




