Natembeya iyo Savula oo laga qaaday xilalkii hoggaamiye ku-xigeennada xisbiga DAP-K

0
31

Guddoomiyaha Ismaamulka Trans Nzoia, George Natembeya, iyo ku-xigeenka guddoomiyaha Ismaamulka Kakamega, Ayub Savula, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen hoggaanka xisbiga DAP-K.
Go’aankan waxaa Khamiistii ku dhawaaqay hoggaamiyaha xisbiga, Eugene Wamalwa, oo warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga.
Waxaa la filayaa in labada xil lagu beddelo xildhibaanka Bariga Mumias , Peter Salasya, iyo siyaasiga ruug-caddaaga ah Kipruto Arap Kirwa.
Xil-ka-qaadista Natembeya ayaa timid xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Wamalwa, kaas oo salka ku haya hoggaanka xisbiga iyo jihada siyaasadeed ee uu qaadanayo.
Dhowaan ayuu Natembeya ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka baxo xisbiga DAP-K, isla markaana uu xulufo siyaasadeed la sameeyo senatarka Nairobi, Edwin Sifuna, iyo dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii loo magacaabay inuu hoggaamiyo ololaha doorashada madaxtinnimada ee dhaqdhaqaaqaas, ka hor doorashada guud ee 2027.
Horumarkan ayaa sidoo kale daba socda digniin uu Wamalwa dhowaan u jeediyay Natembeya, isagoo kula taliyay inuu ka fiirsado hadalladiisa iyo dhaq-dhaqaaqyadiisa siyaasadeed, isla markaana si xushmad leh uga baxo xisbiga haddii uu damacsan yahay inuu ku biiro xisbi kale.
Wamalwa ayaa horay u beeniyay in khilaaf shakhsiyeed uu kala dhexeeyo Natembeya. Wuxuu ku dooday inuu door weyn ka qaatay taageeridda safarkiisa siyaasadeed, oo ay ku jiraan ololihii doorashada guddoomiyenimada ee sannadkii 2022.
Intii uu ku dhawaaqayay go’aanka Khamiistii, Wamalwa wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay wiiqayaan xisbiyadooda, iyagoo haddana ka faa’iideysanaya.
Wuxuu intaas ku daray in xisbigiisu garab taagan yahay xisbiyada kale ee ay siyaasadda wadaagaan, si looga shaqeeyo in William Ruto uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ee hal muddo-xileed oo keliya xilka haya.
Hoggaamiyaha DAP-K ayaa hore ugu baaqay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay midoobaan, isagoo sheegay in khilaafaadka gudaha uu wiiqi karo fursadahooda ay kaga adkaan karaan madaxweyne William Ruto doorashada guud ee 2027.