Nin rasaas ku furay safaaradda Maraykanka ee Beirut oo la xiray

0
404

Ciidamada ammaanka ee dalka Lebanon ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysnaa oo weerar ku qaaday safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay caasimadda wadankaasi ee Beirut.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkan uu dhaawac soo gaaray.
Militariga Lebanon ayaa laga soo xigtay in ninka la qabtay uu u dhashay Syria.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Bariga Dhexe ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza iyo Rafah.