Nin Loo Xiray Dilka Xaaskiisa oo Ka Dhacay dolwad deegaanka Trans Nzoia

0
106

Booliiska dalkani Kenya ayaa xiray nin 32 jir ah oo lagu magacaabo Haron Kibet, kaas oo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa, Joan Nanjala.
Dilkan ayaa ka dhacay tuulada Sabwani ee degmada Kiminini, ismaamulka Trans Nzoia.
Ciidamada ka socday saldhigga booliiska ee Waitaluk, oo kaashanayay baarayaasha DCI Kiminini iyo khubarada baarista goobaha dambiyada (CSI), ayaa gaaray goobta kadib markii ay warbixin ka heleen Kaaliyaha guddoomiye xaafadeedka.
Markii ay goobta gaareen, ciidamada ayaa gudaha guriga lamaanaha ka helay meydka Joan Nanjala oo yaallay sariir dusheeda.
Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujiyay in haweeneyda ay qabtay dhaawacyo badan, oo ay ka mid yihiin garabka midig oo kala baxay, nabar qoto dheer oo ka sarreeya isha midig, iyo dhaawacyo ka soo gaaray lugta midig.
Booliisku waxay sheegeen in baaritaannada ugu horreeya ay tilmaamayaan in dilka uu ka dhashay muran qoys oo dhex maray eedeysanaha iyo xaaskiisa.
Khubarada CSI ayaa ururiyay caddeymaha muhiimka ah ee goobta laga helay, halka meydka loo qaaday qeybta meydadka ee Isbitaalka Cherangany si loogu sameeyo baaritaanno dheeraad ah.
Eedeysanaha Haron Kibet ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska ee Waitaluk, iyadoo baarayaashu ay dhammaystirayaan baaritaanka ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.