Kenya oo Loo Doortay Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Maamusha Khayraadka Gunta Badaha

0
102

Dowladda Kenya ayaa loo doortay xubinnimada Golaha (ISA) muddada u dhexeysa sannadaha 2027 illaa 2030, taas oo sare u qaadaysa kaalinta uu dalka ku leeyahay maamulka iyo ilaalinta khayraadka ku jira gunta badaha caalamka.
Doorashadan ayaa ka dhacday kalfadhigii 31-aad ee Golaha Guud ee ISA, kaas oo lagu qabtay magaalada Kingston ee dalka Jamaica.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Dr. Korir Sing’oei, ayaa sheegay in doorashada Kenya ay ka tarjumeyso kalsoonida beesha caalamka ay ku qabto doorka uu dalku ku leeyahay hirgelinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS).
Dr. Sing’oei ayaa xusay in xubinnimada Golaha ISA ay Kenya siinayso fursad ay codkeeda uga dhiibato dejinta xeerarka caalamiga ah ee la xiriira macdanta laga soo saaro gunta badaha, iyadoo sidoo kale dhiirrigelinaysa cilmi-baarista badaha, ilaalinta deegaanka iyo in si caddaalad ah looga faa’iideysto khayraadkaas.
Waxa uu intaa ku daray in doorashadani ay sii xoojinayso hoggaanka Kenya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah iyo maamulka waara ee badaha, isla markaana u sahlayso inay si xooggan u metesho danaha dalalka Afrika iyo kuwa soo koraya ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Sidoo kale, Kenya ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay hirgelinta qodobbadii ka soo baxay Shirkii Nairobi ee Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Shirkii 11-aad ee Our Ocean Conference, kaas oo lagu qabtay magaalada Mombasa, kana dhigay Kenya dalkii ugu horreeyay ee Afrika martigeliya shirkaas caalamiga ah.